Xog Itoobiya oo Masar u dhoofinaysa Koranto,!

(Ogaden Post News ) — Itoobiya ayaa hindistay arin halis iyo muran galin karta Qaarada Afrika oo ay  adagtay innay fuliso marka loo eego awoodeeda dhaqaale Iyo dadkeeda oo baahan,

Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee Wasaarada biyaha,Korontada Iyo Waraabka Xukuumada Itoobiya Bizuneh Tolcha ayaa sheegay inuu gabobago marayo qorshe ay quwada Korantada ugu dhoofin doonaan Dalka Masar,

Tolcha ayaa sheegay in Itoobiya ay awood u leedahay innay quwada Korontada gaadhsiiso dalalka bariga Afrika oo dhan isla markaana Magaalada Addis Ababa ay noqon doonto Xarunta quwada Korantada ee Qaarada Afrika,

Xukuumada Itoobiya ayaa sheegtay inay diyaarinayso siday Korontada u gaadhsiin lahayd Wadamada Afrika balse ugu horeeyn Qorshuhu yahay in Dalka Masar gaadhsiiyaan,

Majiraan Wali wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dowlada Masar oo ku saabtay Korontada ay Itoobiya sheegtay inay siinayso dalka Masar oo guux Siyaasadeed oo xoogan ka dhaxeeyo kaas oo ka bilowday biyo xidheenka weyn ee Abay ee ay Itoobiya xidhanayso,

Itoobiya ayaa Khilaafka kalla dhaxeeya Dowlada Masar ku tilmaamtay mid Sahlan oo aan Saameyn ku yeelan doonin biyo xidheenka Webiga Nile, arintan ayaa u muuqatay in Xukuumada Itoobiya qiyaastay rabitaankeeda siduu noqon lahaa,

Dowlada Eritrea oo ay Itoobiya Colaad xun ka dhaxayso ayaa Saldhig Ciidan siisay Dowlada Masar kaas oo ay Masar keentay 30,000 oo Ciidan hordhac ah, OgadenPost News,

Ururada Macaaradka Xukuumada Itoobiya ayaa arintan ku tilmaamay mid ay TPLF/EPRDF uga goleedahay innay ku dajiso kacdoonada Itoobiya Iyo Khilaafka Masar,

OgadenPost News,

 

Post Comment