Deg Deg Dagaal dhexmaray Itoobiya Iyo Alshabaab,!

(OgadenPost News )– Dagaal khadhaadh oo dhexmaray Ciidan Itoobiya Iyo Dagaalyahano Ururka Alshabaab ka tirsan ayaa Khasaare dhimasho Iyo dhawaac leh ka dhashay Soomaaliya,

Al shabaab ayaa dhexda u gashay Ciidamo Itoobiya oo maraayay deegaanka Garasyaan ee Gobolka Hiiraan halkaas ka qarxay dagaal foolka fool ah oo dhimasho iyo dhaawac gaytay,

Illaha Warka ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya laga dillay ugu yaraan 7 askari halka dhaawaca intaas ka badan yahay dhanka Al shabaab ayaa looga dillay 3 askari halka looga dhaawacay 4 askari,

Ma jiraa wax hadal ah oo wali ka soo baxay Xukuuumada Itoobiya Iyo Al shabaab oo ku saabsan dagaalkan balse Saraakiil ka tirsan Ciimada Dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dagaalka,

Ogaden Post News,

Post Comment