XOG: Soomaaliland oo Xidhaysa Xafiisyadda Sirdoonka Itoobiya,!

(OgadenPost News ) –Soomaaliland ayaa qaaday qorshe ay ku xidhayso Xafiisyada Hay’adda la yidhaah Information Network Security Agency (INSA) oo ah Hay’add Sirdoon oo Xukuumada TPLF/EPRDF u qaabilsan dhanka is gaadhsiinta,

Maamulka Soomaaliland ayaa Fariin Qoraal ah gaadhsiiyay Xafiiska Xukuumada Itoobiya ku leedahay Magaalada Hargaysa kaas oo dhigaya in 72 Saac gudahooda loogu soo gudbiyo Tiradda Xafiisyada ay Hay’adda Sirdoonka Itoobiya  ku leedahay gudaha Soomaaliland si loo xidho Xafiisyo gaar ah oo sirdoonka Itoobiya ka duullo sidda uu baahiyay Qorahay Media waxaa jirra Guryo ay Soomaaliland u fasaxday inay siishaqeeyaan,

Qoraalka Maamulka Soomaaliland dirray ayaa lagu sheegay in Madaxda Sirdoonka Xukuumada TPLF/EPRDF ee ka hawlgalla Soomaaliland ay iska soo xaadariyaan Xafiisyada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliland ee Somaliland National Intellinge Agency inta ka horaysa 13 bishan May 2017,

Amarka Soomaaliland ayaa ku soo beegay kadib booqashadii Madaxnaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo uu ku tagay Itoobiya kaas  Raysal Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Hailemariam Desalegn uu sheegay in midnimada Iyo Madax banaanidda Soomaaliya taageerayo islamarkaana Itoobiya faraha kala baxayso arimaha Dowladd Goboleedyada Soomaaliya,

Soomaaliland oo Itoobiya Xidhiidh dhow la leh taniyo burburkii Dowladii Soomaaliya ayaa hadalka Hailemariam Desalegn ka yidhi kulankii dhexmaray Isaga Iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo siweyn uga xumaatay,

OgadenPos News,

 

 

Post Comment