Golaha Wariisarada Soomaaliya oo Xassan Sheekh Xuquuq Siinaya,!

(OgadenPost News ) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya oo hada Wadanka Fasax kaga maqan ayaa loo ansixiyay Xuquuq gaar ah oo siinaya mudnaan gooni ah,

Golaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya oo markii ugu horeeesay ku Shirray Magaalada Kismaayo ayaa meel mariyay Xuquuq gaar ah oo uu yeelanayo Xassan Madaxmud Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya Iyo Qoyskiisa,

Xasan Sheekh ayaa Xuquuqdan ku mutaysatay inuu Xilka Madaxweyne si Nabad ah ku wareejiyay kadib markii looga guulaystay doorashadii ay ku loolameen Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,

Xuquuqda ayaa noqonaysa Miisaaniyad Dhaqaale oo ku filaan doonta adib noloshiisa isaga Iyo Qoyskiisa waxaana lacag la’aan looga dhigay Safarada Iyo dhamaan baahida Qoyskiisa,

Xuquuqaha la siinayo Xassan Sheekh Maxamud waxaa u ogolaanaya qodobka 64-aad ee dastuurka Dalka oo ah qoddob wax laga badalay xilligii uu Dalka Madaxweynaha ka ahaa,

Walli lama ansixinin qiimaha Miisaaniyada bilwalba la siin doono Isaga Iyo Qoyskiisa,

Sharcigan Golaha Wasiirada ansixiyeen ayaa Madaxweynaha Dalka Soo mara u ogolaanaya Xuquuq gooni ah haduu Xilka si Nabad ah ku Wareejiyo waxaana lagu bilaabay Xassan Sheekh Maxamud iyada oo ay Jiraan Madaxweynayaal ka horeeyay oo Xillka si nabad ah kursiga ku Wareejiyay kuwaas oo uu ka mid yahay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed,

Sharci qeexaya Xuquuqda ee uu Golaha Wasiiradu ansixiyeen ayaa waxaa loo gudbin doonaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo looga fadhiyo inuuu Saxeexo,

Madaxweyne Xassan sheekh Maxamud ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee dhulka Soomaalida Ogaden Itoobiya u Saxeexay isagoo aflagaadeeyay Ururka ONLF ee u dirra Xoraynta Dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya Gumaysato wuxuuna ku tilmaamay Koox Injir leey ah oo nabad diid ah,

OgadenPost News,

 

Post Comment