Maxaa Ka jirra in Madaxweyne Siilaanyo Qaliin lagu Sameeyay?

(OgadenPost News ) — Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Magaalada Hargaysa soo gaadhay kadib 4 todobaad oo uu ku maqnaa Dalka Isutaga Carabta,

Xukuumada Soomaaliland ayaa sheegtay in Madaxweynahu nasasho ku maqnaa haatana asagoo Nabad Iyo Caafimaad qaba soo noqday,

Wararka Qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Xaalad Caafimaad darro awgeed uga maqnaa Dalka mudo dhan 30 Casho isla markaana la dhigay Cisbitaal ku yaala Dalka Isutaga Carabta oo lagu Sameeyaya Qaliin,

Xusseen Aadan Cigge oo ah Afhayeenka Maamulka Soomaalinad ayaa beeniyay in la Qallay Madaxweynaha Isaga oo ku tilmaamay been abuur aan Sal Iyo raad lahayn wararka sheegay in Madaxweynahu Xanuun saday,

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu ku maqnaa howlo gaar ah oo Diplomaasi kuwaas oo ka dhexeeya Soomaaliland Iyo Isutaga Carabta,

Su’ aasha dadweynaha is waydiinayo ayaa ah sababta Madaxweynahu mudo bill ah uga maqnaa Wadanka ?

OgadenPost News,

Post Comment