Jigjiga : Shaqaalaha Dhismaha Guryaha oo Shaqo Joojin sameeyay

(OgadenPost News ) — Waxaa Shaqo Joojin Sameeyay Engineerada wax ka dhisa dhismayaasha Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Kililka kadib markii lagu soo rogay lacago badan oo aanay awoodin innay bixiyaan sidda ay sheegayaan Illo lagu kalsoon yahay oo Jigjiga ku sugan,

Maamulka Killka ayaa fundiyaasha Iyo Shaqaalaha ku amray innay hoos tagaan Muumulka Degmooyinka ay hadba ka dhisayaan Guryaha isla markaana bixiyaan lacag dhan 500 oo birr qofkiiba taas oo lagu maalgalinayo Shakhsiyaad ka tirsan maamulka Kililka,

Shaqaalaha dhismaha ee Gobolada Wadanka Iyo Xubnaha ugu Sareeya Maamulka Kililka oo Shir uga socday magaalada Jigjiga ayaa ku soo dhamaaday is faham la’aan ku saabsan lacagaha laga doonayo Shaqaalaha Iyo Engineerada dhismaha guryaha ee Gobolka Ogaden,

Illaha Warka oo ku sugan Jigjiga ayaa Ogaden Post u sheegay in Shaqaalaha lagu Khasbay innay bixiyaan lacag dhan 1000 birr isla maraana qofkaan baxinin loogu hanjabay Xabis Iyo ciqaab daran,

Gobolka Ogaden ayaa ah meel ay adag tahay in Ha’ydaha Iyo Ururada bulshadu helaan Sinaan Cadaalad Iyo Xorriyad ay Xaqooda si madax banaan ugu doodi karaan waxaana Jirta Cabsi ay Dadweynahu ka Cabsi qabaan Xukuumada Itoobiya oo lagu dhaliilo Kalitalisnimo,

Ogaden Post,

 

 

Post Comment