Gudoomiyaha TPLF oo la dhigay Hospital Australia,

(OgadenPost News ) — Gudoomiyaha TPLF ahna Madaxweynaha Gobolka Tigree Abay Woldu ayaa Xaaladiisa Caafimaad laga dayrinayaa waxuuna yaallaa Cisbitaal ku yaal Dalka Australia halkaas oo mudo lagu dabiibayo,

Abay Woldu oo Xilka Gudoomiyenimo ee TPLF loo magacaabay kadib markuu dhintay Ra’iisal Wasaarahii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa Xaaskiisa u doortay Safiir Itoobiya u fadhiya Dalka Australia,

Woldu ayaa waxaa lagu eedeeyay Xasuuqyo ka dhacay Gobolada Axmaarta Iyo Oromiya oo ay boqolaal qof ku dhinteen kuwaas oo dhacay 2015 ilaa 2016,

Ehelka Madaxweyne Abay Woldu oo Warbaahnta la hadlay ayaa xaaladiisa Caafimaad aad uga dayriyay iyaga oo sheegay inuu Xanuun daran la ildaran yahay,

Ogaden Post,

Post Comment