Isbahaysiga PAFD oo ololle Siyaasad ka Wadda Kanada,

(OgadenPost News ) — Waxaa Dalka Kanada ka socda ololle lagu diidan yahay Xukuumada TPLF/EPRDF kaasi oo ay ka qayb qaadanayaan Jaaliyadda Ogadeniya Iyo Jaaliyadda Oromiya ee Dalkaas ka dhisan,

Dhaq dhaqaayadan waxaa wada Ururka PAFD oo ah Isbahaysi ay ku bahoobeen Gobolada  Ogadeniya, Oromiya, Gambela, Sidama, Iyo Benishangul kuwaas Gudaha Itoobiya ka wada Dagaal hubeeysan oo ay kula jiraan Xukuumada TPLF halka ay dibadaha ka wadaan mid Diplomaasi oo ka dhan ah Xadgudubyada TPLF ka gaysato Gobolada ay matalaan Ururada ku bahoobay PAFD,

Xubno ka mid ah Masuuliyiinta ugu Sareeysa PAFD ayaa socdaal ku maraya Gobolada Wadanka Kanada kuwaas la kulmaya Jaaliyadaha Qoomiyadaha aan kor ku soo xusnay Xisbiyada Siyaasada, Iyo Hay’daha Xuquuqda aadanaha ee Dalka Kanada,

Saamiya Ismaaciil oo ah Xubin ka tirsan Ururka PAFD isla markaana matalaysa Oromiya ayaa sheegtay in Oromiya dhiig badan ku daatay oo ay Halganka ku waayeen kumanaan kun oo  qof oo shacab arday u badan ah kuwaas si badheedha u Xasuuqay Ciidanka Military ga Itoobiya,

Dhulka anagaa leh Woyaane ma leh kamana baryayno inay sabaan nagu siiyaan laakiin labo mid uun in Oromo dhamaato oo sidaas wadanka Tigree ku qaato Iyo in Oromo wadankeeda gacanta ku dhigto oo Wayaane meesha ka baxo” ayay tidhi Saamiya Ismaaciil,

Ololaha oo looga hadlayo Qadiyadaha uu Ururka PAFD matalayo ayaa ka sii socon doona wadamada reer Galbeedka ee deeqaha ugu badan siiya Xukuumada Itoobiya waxaana la filayaa inuu Saameeyn ku yeesho Isbadal Siyaasadeed oo ku yimaada Itoobiya,

Ogaden Post

Post Comment