Ciidamada Itoobiya oo Ogadeniya dad ku Jidh-dillay,!

(OgadenPost ) Ciidamada Xukuumada Itoobiya ee ku Sugan Ogadeniya ayaa dad shacab ah ku xidhay Degmooyin ka tirsan Gobolada Nogob Iyo Jarar kuwaas u gaysteen Xabis Iyo Jidh -dill joogto ah,

Warkan oo ay shaacisay Wakaalada Wararka Ogadeniya ee Ogaden News Agency, Hoos ka Akhriso,

Xidhay & Jidh-dil Baahsan oo Ogadenia Kadhacay + Faahfaahin

Wararka naga soo gaadhaya wadanka gacanta gumaysiga madow kujira ee Ogadenia ayaa sheegaya xidhay iyo dhac baahsan oo ay ciidanka wayaanuhu kawadaan dhamaan dhulka Soomaalida Ogadenia

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa faahfaahin kabixinaya tacadiyadii ugu dambeeyay ee loogaystay dadka shacabka ah ee Soomaalida Ogadenia, waxayna udhaceen sidan.

Warkan ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 5/8/17 Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 maxamed nuur habane
2 muxumed barre
3 sahra barre.

Waxaa kale oo warku intaas uu raacinayaa in isla taariikhdan 5/8/17 Dagmada Lagahida ee Gobolka Nogob waxay ciidanka cadawgu xidhay iyo jidh dil isugu dareen dadka kala ah
1 ruqiya muxumed barre
2 dhuux barre
3 dharaqsade muxumed barre
4 deeq dhuux barre
5 cadde muxumed barre
6 deex cabdiwali.

Sidoo kale ayaa 5/8/17 dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob waxay ciidanka wayaanuhu xabsiga dhigeen dadka kala ah Ayaan cabdi sahal & Nooc siraad saxane. Isla taariikhdan ayaa Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob waxay ciidanka gumaysigu kuxidh xidheen labo muwaadin oo lagu kala magacaabo Axmednuur Maxamed & Asli axmed.

Dhanka kale 6/8/17 deegaanka Dig oo Dagmada Awaare katirsan waxay ciidanka cadawgu kuxidheen nin shacab ah oo lagu magacaabo Caloolay Maxamed Foodciro.

Ogaden Post,

One thought on “Ciidamada Itoobiya oo Ogadeniya dad ku Jidh-dillay,!

  1. Tani Waa mid aan loo dulqaadan karin waxaan qabaa in dadka Deegaanku dhibka Itoobiya iska Dulqaadi kara hadii ay kacaan oo ay dhiidhiyaan codkooduna Shaqeeyo haday doonto haba dhamaadaane Taariikh ayaa ka hadhi lahayd,

    Reply

Post Comment