Catalonia oo ku Dhawaaqday Madax banaani

(Ogaden Post ) — Madaxweynaha Xukuumadda Catalonia Carles Puigdemont ayaa ku dhawaaqay in gobolkaasi noqday dowlad ka madax banaan Dalka Spain intiisa kale kadib aftidii dhawaan la qaaday,

Khudbad uu Madaxweyne Carles Puigdemont Jeediyay ayuu ku sheegay in gobolka Catalonia uu noqday dowlad madax banaan balse wuxuu xaqiijiyay in maamulkiisu uu ogolyahay dhax dhaxaadin caalami ah oo ay wadahadal kula galayaan dowladda Spain,

Dowladda Curdunka ah ee Catalonia waxaa Caasimad u noqonaysa magaalada Barcelona oo kamid ah magaalooyinka ugu caansan wadanka Spain,

Kumanaan katirsan Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa waddooyinka Deegaanada Catalonia Kuwaas ka feejigan rabshado u dhaxeeya dadka gooni u goosadka taageersan Iyo kuwa kasoo horjeeda ee ku baaqaya in midnimada Spain lasii adkeeyo,

Maxkamadda sare ee Spain ayaa gaashaanka ku dhufatay natiijadii dhawaan kasoo baxday Aftidii loo qaaday shacabka Catalonia waxayna ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo khilaafsan Dastuurka wadanka Spain,

Gobolkan hodonka ah ee Catalonia ayaa waxaa laga soo saaraa 19% dhaqaalaha wadanka Spain taas oo Sababi karta in Dhaqaalaha Spain dhulka gallo haday Qaramada Midoobay Iyo Midowga Yurub u aqaansadaan Dowlad Madax banaan,

Ogaden Post,

Post Comment