Gudigii loo Saaray Qalbi dhagax oo Jawaab laga sugayo

(Ogaden Post ) — Guddigii loo xilsaaray inay soo baadhaan Kiiska Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) ayaa la filayaa inay jawaab ka bixiyaan baadhitaankii loo xilsaaray ee Qalbi dhagax lagu Wareejiyay,

Guddigi ka koobnaa 15 Xubnood oo la magacaabay 18 bishi September 2017 ayaa waxaa loo Saaray innay dabagal ku Sameeyaan Cidii ka dambeeysay in Qalbi-dhagax Itoobiya loo dhiibo Iyo innay Cadaymo rasmi ah ka keenaan arintaas waxaana loo qabtay inay maanta oo ah 10 October ay Xog keenaan Golaha Baarlamaanka,

Guddiga oo lagu Waday in Warbixintooda ka horjeediyaan Baarlamaanka ayaa la sheegay inaanay wali keenin wax Xog ah oo ku Saabsan Kiiska Qalbi dhagax ee loo Xilsaaray,

Waxaa la sheegay in Gudiga loo xil saaray Kiiska Qalbi dhagax ay kulamo la qaadanayeen Hay’adaha kala duwan ee Xukuumada Soomaaliya ee Itoobiya u dhiibtay Cabdikariim Shekh Muuse,

Xukuumada Farmaajo Iyo Khayre ee Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay Itoobiya ku wareejisay Cabdikariim Sheekh Muuse isla markaana uu ka tirsanaa Urur argagixiso ah oo Ururka Alshabaab xidhiidh la leh kaas ula jeedaan Urur ONLF,

Arrintaasi ayaa buuq badan Iyo Muran Siyaasad ka dhexdhalisay Hay’adaha Soomaaliya Iyada oo dadweynaha Soomaali galisay guux Iyo Kalsooni daro Xukuumada Farmaajo ku wayday taageeradii bulshada,

Ururka ONLF oo ah Urur Gobonimo doon ah oo u dirira Xoriyadda Iyo aaya katashiga Qadiyada Ogadeniya ayaa Xafiisyo Diplomaasi ku leh Wadamada reer Galbeedka isla markaana ka diiwaan gashan Jimciyada Quruumaha ka dhaxeeysa waxuuna Caalamku u aqoonsan yahay Urur aan argagixiso ahayn balse doonaya Xoriyad,

Ogaden Post,

Post Comment