Macaaradka Kenya oo Doorashada Qaadacay!

(Ogaden Post ) — Hoggaamiyaha Macaaradka Dalka Kenya Raila Odinga ayaa waxuu ku dhawaaqay inuu iskaga hadhay Doorashada ku Celiska ah ee Madaxtinimada Kenya taas la filayo inay dhacdo 26 bishan October 2017,

Hogaamiye Raila waxuu sheegay in isaga Iyo kuxigeenkiisa Kolonzo Musyoko ay Go’aansadeen inay iskaga hadhaan tartanka Doorashada maadaama aan la fulilin sharuudahii ay doonayeen,

Xisbiga Mucaaradka ah ee NASA waxuu sheegay inaan la aqbalin dalabkoodii kaddib markii Maxkamada Sare ee Dalka Kenya ay bishii September waxba kama jiraan ka dhigtay Doorashadii dhacday 8 bishii August 2017,

Mucaaradku Waxuu sheegay in go’aankoodii ahaa in Doorasho ku Celiska ah la qabto ay Maxkamadu amartay sida uu dhigayo Dastuurka Dalka Kenya,

Hogaamiyaha NASA Raila Odinga ayaa sheegay inay dalbadeen in la badalo Xubno ka tirsan Gudiga Doorashada Kenya oo ay horay loogu  eedeeyay inay is daba marin ku sameeyeen Doorashadii hore isla markaana ugu shubeen Madaxweyne Uhuuru Kenyatta,

Uhuru Kenyatta ayaa aqbalay go’aankii Maxkamada Sare ay ku laashay natiijada Doorashadii dhacday 8 bishii August 2017 wallow uu Cabashooyin badan ka keenay,

Madaxweyne Uhuru Kenyatta Iyo Xisbigiisa Jubilee ayaa maalmihii u dambeeyay waday ololLe Doorasho oo xoogan kuwaas safaro ku gaadhay Magaalooyinka Dalka,

“Anagoo ah NASA waxaan Go’aansanay in Doorashada ku Celiska ah loo qabto sida ay amartay Maxkamada ugu sareeysa Dalku” ayuu yidhi Raila Odinga,

“In lasii waddo hannaanka qabashada Doorashada ku celiska ah ee Dhacaysa 26 bishan October iyada oo aan la fulinin dalabkanaga waa Caqabad taagan wakhtigan” ayuu yidhi Raila Odinga,

Isbahaysiga Mucaaradka Kenya ayaa ka walaacsan in Doorashada lagu shuban doono arintuna ka sii xumaan doonto sidii hore,

Waxaan aragnay in Guddiga Doorashada ee IEBC ay ka go’an tahay in uusan isbadal ku Sameeyn xubnaha ka tirsan gudiga doorashada si looga fogaado qaladaadka Iyo isdaba marinta sababay in Doorashada lagu shubtay oo hadana lagu Celiyo,, ayuu yidhi Xisbiga Macaaradka ah ee NASA,

Ogaden Post,

Post Comment