Akhriso Maxay ku Midoobeen Dowlad Goboleedyada Soomaaliya

(Ogaden Post ) — War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii Madaxda Dawlad Goboleedyada Soomaaliya uga Socday Magaalada Kismaayo ayaa waxaa baaq loogu dirray Xukuumada Muqdisho innay kalla tashato arimaha Masiiriga ah ee Saameeynaya Dadweynaha Dowlad Goboleedyada,

Dowlad Goboleedyadu waxay walaac xoogan ka muujiyeen qaybta ay ka helaan Kaalmada Caalamiga ah, arimaha Federaalka, Dastuurka, Xeerarka kale Iyo Sida ay Xukuumada Madaxweyne Farmaajo u maamulayso,

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay inay Go’aan ku gaadheen in si ku meel gaadh ah loo joojiyo hawlaha la xidhiidha dib u eegista Dastuurka Soomaaliya taniyo intabay dhaheen Go’aan Siyaasadeed oo kama dambeeys ah laga gaadhayo sida loo wadaagayo khayraadka Iyo awoodaha hawl fulineed ee Dalka,

Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa si wada jir ah u Sameeystay Golle iskaashi oo isku xidhi doona howlaha Dowlad Goboleedyada kaas oo Gudoomiye looga dhigay Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Gaas halka Gudoomiye kuxigeen loo doortay Madaxweynaha Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare kuwaas la sheegay innay Golahan Cusub Hogaaminayaan Sanadka ugu horeeya,

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka Dowlad Goboleeyada Soomaaliya ku midoobeen oo Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ka dhan ah,

IMG-20171011-WA0000IMG-20171011-WA0004IMG-20171011-WA0001Ogaden Post,

Post Comment