Gudigii Qalbi-dhagax oo Mudadii loo Kordhiyay!

(Ogaden Post 0 — Gudigii loo saaray inay soo baadhaan Kiiskay Xukuumada Soomaaliya ku dhiibtay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax) ayaa loo kordhiyay Mudadii loo qabtay,

Gudiga ayaa waxuu codsaday in loogu daro mudo dhan bill ah si ay u baadhaan Ra’iisu Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Qaatay masuuliyada lagu dhiibay Qalbi-dhagax Iyo dhamaan masuuliyiintii ku lug lahaa Shirqoolkaas,

Gudigan ayaa waxuu sidoo kale la kulmayaa Madaxweynaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lahaa ogolaanshaha dhiibista Qalbi-dhagax loogu gacan galiyay Xabashida Itoobiya Iyo Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Sanbaloolshe oo lagu amray inuu howshaas fuliyo,

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu Gudigii Kiiska Qalbi dhagax loo Saaray uu wakhtiga ugu daray mudo bill ah oo ay ku soo dhameystiraan arinta Qalbi dhagax innay Sharci tahay Iyo In kale,

Madaxweyne Farmaajo oo wali arintaas ka aamusan ayaa maruu ka hadlayay Munaasabad uu ku Saxeexay Sharci lagu sheegay isgaadhsiinta Soomaaliya waxuu sheegay inuu Masuul ka yahay arimahan oo kale balse dadweynaha Soomaali kuma Qancin hadalkaas,

Ogaden Post,

Post Comment