Madaxii Gaashaan-dhiga Soomaaliya oo is Casillay!

(Ogaden Post ) — Deg Deg waxaa is Casilay Wasiirkii Gaashaan-dhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed Iyo Taliyihii Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid)

Wasiirka waxuu Warqada iscasilaadiisa u dhiibtay Golaha Wasiirda isla markaana waa laga aqbalay istiqaalada uu Xilka uga dagay,

Illaa Iyo hada lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee uu Wasiir Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed isu Casilay balse waxaa la sheegayaa inuu jirray khilaaf hoose oo ka dhex jirray Golaha Wasiirada oo ku Saabsan hanaanka Siyaasada Madaxweyne Farmaajo Iyo Khayre oo la rumaysan yahay innay tahay mid fashilantay kadib markay u janjeer satahay dhanka danaha Shisheeyaha,

Dhanka kale waxaa is Casilay Taliyihii Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) lama oga Sababta uu isna Xilka uga dagay

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Taliye Cusub oo uu ka dhigay Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod) oo aan aqoon badan loo lahayn hase yeeshee Soomaaliya horay uga soo noqday Wasiir,

Wasiirka Gaashaan-dhiga Soomaaliya ee iscasilay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa horay u soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Bay wuxuuna soo gallay liiska Wasiirada 13 bishii March 2017,

Shirka uu Wasiirka Gaashaan-dhigu isku Casilay waxaa Shirgudoon ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukluuumada Soomaaliya Mahad Axmed Guuleed,

Ogaden Post,

Post Comment