Ehelka Qalbi-dhagax oo Helaya Fursad Maxkamadayn

Ehelka Iyo Qoyska Cabdikariim (Qalbi dhagax) ayaa haysta Fursad ay Maxkamad ku oogi karaan Madaxda ugu Sareeysa Xukuumada Soomaaliya ee Qalbi-dhagax u dhiibay Xabashida Itoobiya sida ay sheegayaan Qareenada Sharcigu,

(Ogaden Post ) — Garyaqaan Sakariye Yuusuf ayaa sheegay in qoyska Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), ay haystaan fursad ay Culays ku saari karaan Xukuumada Soomaaliya haddii Baarlamaanka Soomaaliya uu sharci-darro ku tilmaamay tallaabadii Qalbi dhagax loogu gacan galiyay Xukuumada Xabashida Itoobiya,

BY OGADEN POST

Guddigii Golaha Shacabku u xilsaaray Qadiyada Qalbi Dhagax ayaa waxay Sabtidii Cadeeyeen inay khalad ahayd in lagu wareejiyo Qalbi dhagax Itoobiya isla markaana Ururka ONLF oo uu ka tirsanaa Qalbi dhagax uuna ahayn argagixiso,

Golaha Shacabka  ee Baarlamaanka Soomaaliya waxuu sheegay inaanay hadda ka dib xukuumaddu wareejin karin muwaadin kalle oo Soomaaali ah isla markaanay ay waajib tahay in Qalbi dhagax sida ugu dhakhso badan loo soo Celiyo,

Garyaqaan Sakariye Yuusuf ayaa tilmaamay in ehelada Qalbi Dhagax ay u furan tahay inay Maxkamad la tiigsadaan xukuumadda ayagoo Cuskanaya Go’aanka Baarlamaanka,

“Eheladiisa Iyo taageerayaashiisa waa inay ogaadaan waxaa u furan inay Maxkamadda dacwad gaystaan ayagoo Cuskanaya go’aanka Baarlamaanka oo ay ku oogaan Dowladda inay qaaday tallaabo sharci-darro ah, ayuu yidhi Garyaqaan Sakariye Yuusuf,

Qareen Sakariye oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa waxuu tilmaamay in xukuumadda waxa la gudboon uu yahay inay u hogaansanto Taladii uu Baarlamaanku siiyay ee ahayd inaanay Muwaadin dambe wareejin karin isla markaana Soo Celiyaan Qalbi Dhagax,

“Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon talada Baarlamaanku uu siiyay inay si taxadar leh oo maskax Iyo indho furan inay ku eegaan ayuu yidhi Qareen Sakariye Yuusuf,

Xukuumadda Xasan Cali Khayre ayaa si aan ka fiirsasho lahayn ugu deg degtay wareejintii ay Cabdikariim Qalbi Dhagax ugu gacan galisay Xukuumada Xabashida  Itoobiya waxayna Cambaarayn Iyo Kacdoono xoog leh kala kulantay Shacabka Soomaali ee ku kalla sugan Dall Iyo Dibadba,

Ururka ONLF ayaa siweyn u soo dhaweeyay Go’aanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ka istaagay Qadiyada Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) oo ka tirsanaa Madaxda ugu Sareeysa Ururka ONLF oo ay Xukuumada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bishii August 28/2017 u gacan galisay Xabashida Itoobiya,

Ehelka Cabdikariim ayaa sheegay in Ciidamada Nabad sugida ee Xukuumada Soomaaliya ay Qalbi-dhagax Magaalooyinka Gaalkacayo Iyo Muqdisho ugu gaysteen Jidh-dil intaan lagu wareejin Xabashida isla markaana uu hada ku xidhan yahay Xabis ku yaala Addis Ababa isaga oo dhaawac ah,

Ogaden Post,

Post Comment