Kenya Maxkamada oo Ogolaatay Guusha Uhuuru!

(Ogaden Post ) — Maxkamada sare ee Dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay dacwadii ka dhan ahayd natiijadii doorashadii ku Celiska ahayd ee uu mar kale ku guulaystay madaxweyne Uhuru Kenyatta,

Lixda garsoore ee dhagaysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay natiijada guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay,

Go’aankan ayaa waxaa uu waddada u xaadhayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo Todobaadka soo socda.

Maxkamadda oo la unkay Sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday guushii doorashadii bishii August 8/2017 Dalkaas ka dhacday.

Hase yeeshee Madaxweyne Uhuuru Kenyatta ayaa waxaa ka soo booday neef Fardax leh kaddib markay maxkamadu ogolaatay Guushiisa,

Post Comment