Madaxweyne Robert Mugabe oo is Casillay

(Ogaden Post ) — Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilkii iska casilay sida uu sheegay Afhayeenka baarlamaanka Zimbabwe Jacob Mudenda,

BY BBC NEWS

Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay inuu iskii u gaadhay Go’aanka si uu u fududeeyo awood wareejinta Xilka,

Kudhawaaqidan layaabka leh ayaa markii lagu dhawaaqay dabaaldag ayaa ka billawday baarlamaanka shacabkuna waxay billaabeen inay waddooyinka ku damaashaadaan Farxad,

Mugabe ayaa horay u diiday inuu xilka iska casilo inkastoo ay awooddii la wareegeen Ciidammadu toddobaadkii hore, mudahaaradyo baddan oo arrintaas lagu dalbanayay ayaa ka dhacay Magaalada Harare,

Waraaqdu ma aysan Cadaynin cidda Mugabe xilka kala wareegi doonta,

Hase yeeshee Dastuurka Dalkaasi wuxuu qabaa inuu xilka la wareego madaxweyne ku xigeenka talada haya Phelekezela Mphoko kaas oo aad u taageersan xaaska Madaxweynaha ee Grace Mugabe,

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay inuu socdo Qorshihii hogaamiye cusub lagu dooran lahaa Arbacada,

Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in iscasilaadda Mugabe ay dalka Zimbabwe u horseedayso fursad iyo jid cusub oo xor ka ah caburintii maamulkiisa wehelisay.

Waxay sheegtay in Britain oo ah “saaxiibka ugu wakhtiga dheer ee Zimbabwe” inuu gacan ka gaysan doono taageeridda doorasho xor Iyo xalaal ah Iyo dib u dhiska dhaqaalaha Zimbabwe,

Robert Mugabe ayaa xilka hayay tan Iyo markii uu Dalkaasi Xornimada Qaatay Sanadkii 1980,

Intii wakhtigaas ka dambaysayna Mugabe ayaa doorashooyinka ku guulaysan jiray, balse 15kii sano ee u dambeeyay waxaa hareeyay rabshado ka dhan ahaa dadka ka soo horjeeda,

Dhaqaalaha dalkaas oo dhulka ku sii hoobanaya ayuu Dalka soo maamulayay dadka Zimbabwena 15% ayay hadda ka fiqiirsan yihiin sidii ay ahaayeen Sanadkii 1980 ee ay Xornimada Qaateen,

Ogaden Post,

Post Comment